Weerar ka dhacay Burkina Faso oo lagu dilay 35 qof

Madaxweynaha dalka Burkina Faso Roch Marc Christian Kabore, ayaa xaqiijiyay dhimashada 35 qof oo rayid ah oo dumar u badnaa oo lagu dilay, weerar Talaadadi ay koox mintidiin Muslimiin ah ku qaadeen waqooyiga dalka Burkina Faso.

Weerar isla shalay ay mintidiinta ku qaadeen xero milatari oo ku taalla gobolka Soum ayaa waxaa ku dhintay 7 askari iyo 80 ka mid ah kooxaha mintidiinta ah ee weerarka qaaday, sida ay sheegeen saraakiisha milatariga Burkina Faso.

Weeraradi Talaadadi ayaa noqday kuwi ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca wadanka Burkina Faso ku dhawaad muddo shan ah, tan iyo marki ay bilowdeen rabshadaha ay hormuudka ka yihiin kooxaha jihaad doonka ah ee hadda ka jira dalkaasi dhaca galbeedka Africa.

Burkina Faso oo xuduud la leh dalalka Mali iyo Miger ayaa tan iyo sannadki 2015-kii waxaa ka dhacayay weeraro ay kooxo mintidiin islaami ah ku qaadayeen ciidamada dowladda. Weeraradaasi ayaa sababay dhimashada boqollaal qof halka ay ku barakaceen kumannaan ruux oor ayid ah.

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com