Waxgaradka Puntland oo ka hadlay Go’aankii Barlamaanka PL ee doorashadda (dhegayso)

Waxgaradka Puntland oo ka hadlay Go’aankii Barlamaanka PL ee doorashadda (dhegayso)

Cabdulaahi Maxamed Jibriil Afhayeenka nabaddoonada gobolka nugaal ayaa sheegay inay guul u tahay dadka Puntland in doorashadii Puntland ay ku dhacayso wakhtigii loogu tala-galay ,xili Baarlamaanku shalay ay ku dhawaaqeen in doorashada Madaxtinimada Puntland ay xiligeedii dhici doonto .

Baarlamaanka Puntland oo shalay warbixin ka dhagaystay Guddigii doorashooyina Puntland ayaa ku dhawaaqay in doorashadu ay u dhici doonto qaabkii hore ee 66 xildhibaan ay ku dooranayeen Madaxwaynaha iyo kuxigeenkiisa .

Go’aanka Baarlamaanka ayaa imaanaya iyadoo markii labaad ay soo gud biyeen Guddiga doorashooyinka Puntland in lagu guul daraystay Puntland in la gaarsiiyo Doorasho qof iyo Cod ah .

Wariye Axmed Sheekeeye ayuu ugu warramay Magaalada Garoowe .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com