Waxgaradka gobolka Bari oo codsaday dowladda inay xoogga saarto ka shaqaynta biyo dhaamis loo sameeyo deegaanada buuralayda ee gobolka Bari.

Bosaso, Apr 07 -Waxgarad kasoo jeeda gobolka Bari ee dowladda Puntland ayaa ka codsaday dowladda Puntland inay xoogga saarto u gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaanada buuralayda ah ee gobolka Bari.

Eng Saciid Maxamed Muuse oo gudoomiyaha ururka FBMPA oo waraysi siinayay Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay biyo yaraan xoogan inay ka jirto deegaanka Bacaad iyo Buurgaaban ee gobolka Bari.

Waxaa uu sheegay dowladda inay ka codsanayaan inay xoogga saarto gurmadka dadka deegaankaasi kunool,isagoona intaasi raaciyay biyo la’aan aad u xoogan inay ka jirto deegaanka baraagaha ay faaruqeen ceelashana ay gabaabsi noqdeen, fuustada biyaha ayaa xiligaan gaaraysa inka badan 130-kun oo sh. so ah.

Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa dhowaan sheegay dowladda Puntland inay qaadayso tillaabooyin loogu gurmanayo dadka ay abaartu haysato ee kunool gobolka Bari.

Diiwaanka Wararka
Daljir, Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com