Waxgaradka Beesha Sacad oo xaaladda Galmudug War ka soo saaray (Akhriso)

Waxgaradka Beesha Sacad oo xaaladda Galmudug War ka soo saaray (Akhriso)

Kulan maalmahan Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya uga socday qaar kamid ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta Beesha sacad ayaa waxay diiradda ku saarayeen xaaladda siyaasadeed ee Galmudug.

Hoos ka Akhriso Go’aanka Waxgaradka Beesha Sacad.

WAR MURTIYEEDKA BEESHA SACAD

Fadhi ay maanta oo taariikhdu ay tahay 4tii Luulyo 2019 isugu yimaadeen magaalada Muqdisho odoyaasha dhaqanka, siyaasiyiin iyo waxgarad kale ee beesha Sacad, `waxay si qoto dheer uga baaraandegeen xaaladda siyaasadeed ee Dowlad Goboleedka Galmudug, shirka Hobyo iyo Gobolka Mudug, iyaga oo hoosta ka xarriiqay in Dowlad Goboleedka Galmudug ay ku jirto xaalad iyo waqti xasaasi ah.

 

Haddaba waxgaradka beesha Sacad ee gobolka Banaadir wadatashi dheer ka dib, marka ay arkeen xaaladda siyaasadeed ee maalmahan danbe ka soo cusboonaatay Galmudug, waxey soo jeedinayaan in la ilaaliyo dastuurka Qaranka iyo kan dawlad goboleedka Galmudug. Dhanka kalena in la dhorwo nidaamka federaalaynta dalka iyo u madax-banaynta dawlad goboleedka iyo dadkeeda hanaanka dib-u-heshiisiinta iyo doorashooyinka, waxay soo saarayaan war murtiyeedkan:

 

  1. Beeshu waxay aaminsan tahay in Dawlad goboleedka Galmudug ay ku dhisantay rabitaanka & heshiiska 11 beelood iyo dastuur iyo madax lagu doortay dastuurkaas, mana aqbali doonto beesha Sacad heshiis kasta oo ka soo horjeeda heshiiskii awood qaybsiga siyaasadeed ee beelaha Galmudug ay ku gaareen magaalada Cadaado sannadkii 2015-tii.

 

  1. Beeshu waxa ay aaminsan tahay in dibu-heshiisiinta beelaha Galmudug ay tahay lagama maarmaan lana siiyo mudnaan iyo waqti ku filan maadaama uu soo jiray khilaaf ragaadiyay wadajirka Galmudug ee xagga maamulka, siyaasadda iyo amniga si loo suurtageliyo doorasho daahfuran oo ku dhacda jawi nabadeed iyo wada-ogolka beelaha Galmudug wada dega.

 

  1. Beesha Sacad waxey go’aansatay in 10 July 2019 in la isugu yimaado shirweynaha AAYA-KA-TALINTA beesha oo ay qeybaha kale duwan ee isugu jira dhaqanka, siyaasiyiinta, xildhibaanada heer qaran iyo heer dawlad goboleed, haweenka iyo dhallinyarada ka soo qeybgalayaan kaasoo ka dhacaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta G. Mudug.

 

  1. Beesha waxa ay soo dhowaynaysaa, si buuxdana uga qeyb galaysaa shirka Nabadda Hobyo ee beelaha Habargidir kaas oo ka dhicidoona magaalada Hobyo tariikhdu markey tahay 15 Juuliyo 2019.

 

Ugu danbayn, waxaan si adag uga digaynaa in talada dhismaha dowlad goboleedka Galmudug aysan cid gaar ahi isku kali yeelin go’aan ka gaarista aaya ka talinta Galmudug, inaga oo sidoo kale ugu baaqayna beelaha Galmudug in ay iskaashi, dibu heshiisiin iyo midnimo uga gudbaan marxaladdan adag ee dowlad gaboleedka Galmudug uu marayo si loo helo Galmudug ka mideysan xaga siyaasada, maamulka & amniga.

 

=DHAMMAAD=

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com