Waxgarad iyo qurbajoog ka mid ahaa ergooyinka shirka Taleex oo cambaareeyay natiijada shirka.

Garowe, January 20 ? Waxgarad iyo qurbajoog kasoo jeeda gobollada lagu magacaabo SSC oo ka mid ahaa ergooyinkii ka qayb qaatay shirka Khaatumo 2 ayaa si kulul maantay u cambaareeyay jawiga uu hadda ku socdo shirku, waxaana ay si wadajir ah u tilmaameen in arrinta la siyaasadeeyay shir jaraa?id oo ay ku qabteen magaalada Garowe.

Waxgaradku waxay tilmaameen in ajandayaashii uu ku socday shirku la baalmaray arrintuna ay isku badashay mashaariic laga soo qaatay dawladda Britain, iyo golaha ammaanka, taasi oo ku aadan sidii gobolladaasi looga jari lahaa Puntland. Sida ay hadalka u dhigeen.

Engineer Axmed Maxamuud ?Xandule? oo kasoo jeeda gobolka Cayn ayaa ugu baaqay indheergaradka ku sugan Taleex inay guud ahaanba isaga baxaan shirka Taleex ka socda, waxaana uu si cad u tilmaamay in gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn ay yihiin dhammaantood deegaanno ka tirsan dawladda Puntland.

Maxamuud Mamaxed Cali Cadami ayaa isna sheegay in uu ka soo horjeedo natiijada shirka, aanuna taageeri karin; shirka ayaa uu sheegay in uu yahay shir jabhaheed oo qandaraas lagu soo qaatay.

Cawil Kaatum Axmed oo isna ka haday ayaa sheegay in shirka la majarahabaabiyey, lagana leexiyey ujeedadii laga lahaa.

Shir jaraa’id – Waxgarad & Qurbajoog mucaaraday natiijada Shirka Khaatumo II.

Waxaa sidoo kale qaadacay natiijada shirka Khaatumo hoggaaminyihii SSC Saleebaan Ciise Xaglatoose oo ku dhaliilay guddiga fulintu in ay jajuubeen itijaaha dadka, ayna majarahabaaabiyeen shirka.

Waxaa uu ku baaqay in shir dambe la qabto, lana turxaan bixiyo qaladaadka dhacay, beeshuna ay si midaysan uga tashato aayaheeda.

Diiwaanka Wararka.
Daljir Garowe.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com