Waxbarashada PUNTLAND: Maanta & Shalay

Waxbarashada PUNTLAND: Maanta & Shalay

Waxbarashada Puntland iyo tan guud ee Soomaaliya waa mid horsocod ah, waana mid guulo waaweyn laga soo hoyiyey labaatankii sano ee la soo dhaafay. Laakiin marka lagu miisaamo heerka waxbarasho ee dowladaha dariska, sida Kenya iyo Itoobiya, iyo waliba heerka waxbarasho ee dowladaha qaaradda Afrika iyo dowladaha kale ee adduunka, weli waxaan nahay dal iyo dad waxbarashadoodu ay aad u hooseyso, laguna tilmaami karo mid liidata.

Waa se biloow fiican oo aan hore u jirin. Waxaa kale oo maanta jira laakiin aan hore u jirin TUSMO (index) la raaco, sannadba sannad lagu miisaamo, deedna lala tusmeeyo adduunka intiisa kale. Waana meesha WASAARADDA WAXBARASHADA PUNTLAND ay uga horreyso dhammaan hay’adaha kale ee Puntland iyo kuwa Soomaaliya.

Aan idin la qaybsanno dhowr TUSMO oo maanta lagu soo bandhigay Shirweynaha 5aad ee Waxbarashada Puntland:

1. 2019-2020 Goobaha waxbarashada Hoose-Dhexe-Sare waa 83 goobood
2. Tirada Ardeyda u xaadiraha goobaha waxbarasho ee PUNTLAND waa 230 kun oo ardey
3. Saamiga carruurta/dhallinta PUNTLAND ee u xaadira goobaha waxbarashada (hoose-Dhexe-Sare) waa 37.5%
4. Saamiga carruurta/dhallinta PUNTLAND ee aan haysan fursad waxbarasho waa 62.5%

Hormarka waxbarasho ee Puntland waa wax lagu farxo, marka lagu miisaano 5 sano kahor oo kaliya, waxaana hore loo qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah. Saas oo ay tahay, haddana waa naxdin iyo maroorodillaac in tobankii carruur ahba 6 kamid ahi aysan heli karin waxbarasho ama se aysanba u xaadirin goob waxbarasho.

In kasta oo aan la hayn lambarka saxda ah ee dadka reer PUNTLAND ee aan wax qorin, waxna akhrin, haddana lambarkaas waxaa laga qiyaasi karaa lambarka carruurta/dhallinta aan haysan fursad waxbarasho kana badan 60%.

Saas oo kale, Borgen Project SOMALIA (https://borgenproject.org/tag/literacy-in-somalia/) waxa uu farbarashada (literacy) Soomaaliya ku qiyaasay 37.8%, meesha inta aan waxna-qorin-waxna-akhrin lagu qiyaasay 62.2%, ahna isla saamiga carruurta/dhallinta reer Puntland ee aan helin ama haysan fursad waxbarasho.

Hormar iyo amni waxa uu PUNTLAND iyo SOOMAALIYA u jiraa inta waxbarashadu u jirto wiilka iyo gabadha Soomaaliyeed. Si hormar iyo amni loo helana waa in shanta sano ee socota la labajibbaaraa goobaha waxbarasho ee Puntland iyo carruurta/dhallinta u xaadira goobahaas waxbarasho.

Wasaaradda Waxbarashada PUNTLAND waa ileyska hormarka Puntland, waana wasaaradda koowaad ee Dowladda Puntland u matasha hiigsiga iyo himilada bulsho, waana wasaarad loogu yimaado TUSMO cayiman oo cabbiran, sannadba sannadka ka danbeeya, waana intaas oo looga sii dhawaado.

Radio Daljir | Diiwaanka Daljir

Codka Bulshada Aamusan & Carruurta aan Qaangaarin

Waxbarashada #PUNTLAND (#PuntlandEducation) Maanta & ShalayWaxbarashada Puntland iyo tan guud ee Soomaaliya waa mid…

Posted by Radio Daljir on Tuesday, January 21, 2020

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com