Wasiiru dowlaha Maaliyadda ee Soomaaliya oo Afka Maayga ku raali geliyay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed

Wasiiru dowlaha Maaliyadda ee Soomaaliya oo Afka Maayga ku raali geliyay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed

Wasiiru dowlaha maaliyadda dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa maanta ka raali geliyay shacabka Koonfur Galbeed jawaab uu si carro leh uu usiiyay xildhibaan Fanax oo katirsan baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii wasiirka uu ka carooday su’aal xildhibaanka uu ku waydiiyay afka maayga.

Wasiir Xayir ayaa fadhigii maanta ka sheegay inuu raali gelinayo xildhibaan fanax iyo jawaabtii uu siiyay kulankii baarlamaanka ee maalin kahor, waxaana xildhibaanka uu ku qancay jawaabta.

Hadal hayn iyo xiisad baraha bulshada ayaa ka dhalatay hadalka wasiirka maaliyadda ee jawaabta u ahaa su’aal lagu waydiiyay baarlamaanka, isagoo ku jawaabay inuu waqtiga iska khasaariyay xildhibaankii su’aasha keenay, uuna filayo inuu qowm kalle la hadlayo xildhibaanka, taasi oo ay ka caroodeen dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com