Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Marocco oo kala saxiixday seddex heshiis is-afgarad wax wadaag ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa wadahadallo laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa Marocco, Mudane Nasser Bourita.

Kulanka oo ku qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa diiradda lagu saarray xiriirka walaalnimo ee adag ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Marocco iyo horumarrada xaaladaha gobolka.

Xiriirka u dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Marocco ayaa ah xiriir taariikheed qotodheer oo soo taxanaa ka hor gumeysigii reer galbeedka ee ku duullaamay wadamada iyo dhaqanka shucuubta Afrika. qoysas Soomaaliyeed ayaa degay oo ku noolaaday Magaalada Ouarzazate, oo ku taalla koonfur bari dalka Marocco, halkaasi oo ay Soomaalidu ka dhiseen Masjidkii ugu horreeyay ee dhaxal taariikheed ah sanadkii 1922, waxaana loogu yeeraa Masjidka Soomaalida.

Labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Soomaaliya iyo Marocco ayaa waxa ay carabaabeen inay ku faanayaan heerka fariidnimo ee xiriirka Soomaaliya iyo Marocco, iyaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashi dhinac kasta leh, si gaar ah arrimaha dhaqaallaha, maalgeshiga, amniga, milatariga, dhaqanka, cilmiga, garsoorka, arrimaha qunsliyadeed iyo bulsho, iyo sidoo kale in la isku duba-rido , lagana tashado mowqifyada laga qaadanayo arrimaha kala duwan oo ah wax ka dhabaynaya dano wadaagga labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Intii wadahadalladu socdeen, labada wasiir waxa ay wada saxiixdeen seddex heshiis is-afgarad oo kala ah dhimaha guddi iskaashi oo wadaag ah, habka latashiyada siyaasadeed iyo tababarada diblomaasiyadeed oo ah heer akadeemi iyo cilmiyeed.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com