Wasiirkii Gaashaandhiga Somaliland oo waraysi Daljir xilkii ku waayey (dhegayso | daawo)

Wasiirkii Gaashaandhiga Somaliland oo waraysi Daljir xilkii ku waayey (dhegayso | daawo)

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa xilkii looga qaaday masuuliyin isugu jirey wasiiro iyo agaasimayaal. Xubnaha xilka laga qaaday waxaa ugu horreeyey wasiirkii wasaaradda gaashaandhiga Ciise Axmed Yusuf ”Xawar.”

Ciise Xawar ayaa saddex casho kahor waraysi uu siiyey warbaahinta Daljir ku sheegay in uu ka soo horjeedo carqalad ka dhacda gobolka Sanaag oo dhowaan duleedka tuulada Yubbe ay soo gaareen ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland. Xawar ayaa Daljir u sheegay in uu ka soo horjeedo carqalad kasta oo lala beegsado deegaanka, uuna taageerayo hormarka ka socda gobolka Sanaag, ciddii doontaa ha waddee.

Dhanka waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo, Ciise Xawar ayaan innaba ka weecweecan sidii hore looga bartay xubno maamuulka iyo barlamaanka Somaliland in jidkaas uu dhisayo Maamulka Puntland iyo shacabkeeda oo iskaashanaya.

Mar la weydiiyey in uu jiro saluug saamiqaybsiga beelaha, siiba beesha uu ka soojeedo, ayuu wasiirku sheegay in uu saluug jiro oo aysan xukuumadda Madaxweyne Muuse Biix weli dawo u helin.

Ciise Xawar ayaa inta aan wasiirka loo magaacbin waxa uu ka mid ahaa qurbajoogta gobolka Sanaag ee u ololeeya deegaanka Maakhir, kana soohorjeeda qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland.

Ugu danbeyntii Ciise Xawar ayaa mar aan wax ka weydiiney arrimo la xidhiidha musuqmaasuq lagu eedeynayo ayaa arrinkaas ku tilmaayay dacaayad raqiis ah.

Waraysiga Radio Daljir ee wasiirku eersaday hoos ka dhegayso. Waxaa waraystay Maxamed Xasan Dhalo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Hassan farah Mohamed 5 years ago

    I am so happy to see my place of origin my homeland my Somaliland it’s growing and it’s beautiful Country the World need

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com