Wasiirkii deegaanka Puntland oo iscasilay iyo sababta iscasilaadiisa oo uu uga waramay Daljir (dhegayso )

Wasiirkii Deegaanka & Isbedelka Cimilada Puntland Dr Cali Cabdullaahi  ayaa sheegay maanta in uu xilkii iska casilay .

Wasiirka ayaa  sheegay in warqada is casilaadiisa uu ugudbiyay  Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa .

Waxa uu sheegay in sababta uu xilika isga casilay ay tahay  fashil ku yimid sadex mashruuc oo dhamantood muhiimad u lahaa Shacabka Puntland,  kuwaas oo ay ku jiraan Labo mashruuc oo ay dawladda Jarmalku ka hirgalinaysay Puntland.

Wasiirka waxa uu sheegay  in shaqadii wasaarada ay lahayd lagu wareejiyay Hay,ad si gaar ah Madaxweynaha u naas nuujiso , wuxuuna sheegay Wasiirka in sadaxdii bilood ee la soo dhaafay shaqaalaha Wasaarada aysan helin wax mushahar ah.

Hadaba Wasiirka waxaa waraystay wariye Xasan Heykal .

Halkan ka Akhriso warqada is casilaada Wasiirka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com