Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya oo Dalka Cumaan uga qeyb galay Kulan Muhiim u ah Horumarinta Waxbarashada Dalka.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Magaalada Muscat ee dalka Oman kullan kula qaatay shirkado badan oo hal-abuur dhanka teknoolajiyada ku taqasusay oo loogu tala galay in lagu hago nidaamka waxbarashada dalka.

Kullanka oo ay Goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka kala socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Jaamacadda Simad, Jaamacadda Muqdisho iyo Jaamacadda City ayaa looga hadlay hal-abuur dhanka teknoolajiyada ku taqasusay oo loogu tala galay in lagu hago nidaamka waxbarashada.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in shirkani muhiimad gaar ah uu u leeyahay Horumarinta waxbarashada Dalka.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada XFS Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka Go,an taha in la helo waxbarasho tayo leh .


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com