Wasiirka waxbarashadda DFS oo la kulmay Wafdi dallada waxbarashadda ka socda

Wasiirka waxbarashadda DFS oo la kulmay Wafdi dallada waxbarashadda ka socda

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay xubno ka socda (Creative Associate International) oo door muhiim ah ka qaadata horumarinta waxbarashada iyo hal abuurka.

Kulanka ayaa looga hadlay siddii xubnahan ka socda Creative Associate International, ay wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya uga caawin lahaayeen horumarinta waxbarashada dalka.

Xubnaha ka socda Creative Associate International, ayaa wasiirka waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre u sheegay in howlo muhiim ah oo dhanka waxbarashada ay ka qabteen dalka.

Mudane Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in xubnahan ay ka wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha waxbarashada islamarkana Creative Associate International, ay door muhiim ah uga qaadan laheyd waxbarashada dalka.

“Waxaan maanta xafiiskeyga ku qaabilay xubno ka socda creative Associate International oo kala ah Eileen st, George iyo Maryam jinani, waxaan ka wada hadalnay arrimo ay ka mid tahay sidii wasaaradda waxbarashada ay gacan uga siin lahayeen horumarinta waxbarashada dalka, waana isku afgaranay”. ayuu yiri wasiir Goodax Barre.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka waxay dadaal dheer ugu jirta sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.

Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa u mahad celiyay xubnahan maanta soo booqday.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com