Wasiirka waxbarashadda DFS oo la kulmay wafdi dalka masar ka socda (Sawiro)

Wasiirka waxbarashadda DFS oo la kulmay wafdi dalka masar ka socda (Sawiro)

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax barre ayaa kulan kula qaatay magaalada muqdisho wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Masar Mudane Hamdi Loza iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar, kadib markii maalintii shalay ay soo gareen dalka.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiiru dowlaha Wasaaradda waxbarashada JFS,Mudane Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabir)Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada Axmed Yusuf xasan iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda.

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay horumarinta waxbarashada dalka iyo sidii dowlada masar ay kaalin mugleh ay ugu qaadan laheyd.

Wasiirka waxbarashada XFS,mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasiir_xigeynka arimaha dibada dalka masar ay kawada hadleen iskaa shiga labada dal gaar ahaan dhanka waxbarashada.

“Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Masar Mudane Hamdi Loza iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar, kadib markii maalintii shalay ay soo gareen dalka.

Arrimaha aan ka wada hadlay waxaa ka mid ah xoojinta iskaashiga labada dalka gaar ahaan dhanka waxbarashada, iyo sidii la iskaga kaashan lahaa horumarinta waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada JFS. Mudane Cabdillahi Goodax Barre ayaa sheegay in ay waa jibtahay in kor loo qaado waxbarashada dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com