Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Koonfur Afrika

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Koonfur Afrika

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo socdaalkiisa ay ku wehliyaan xubno ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Jaamacada Ummadda Prof Axmed Jimcaale ayaa waxaa magaalada Cape Town, kusoo dhaweeyay madaxda Safaaradda iyo Xubno ka socday Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Cape Town.

Socdaalka Wasiirka oo ah martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa dalka Koonfur Afrika ayaa inta uu joogo waxa uu kulan la qaadan doonoaa madaxda Wasaarada Waxbarashada sare iyo tababarada kuwaa oo looga hadlayo dhameystirka heshiis is afgarad ahaa oo u dhaxeeyay labada Wasaaradood iyo sidii loo xoojin lahaa xariirka Waxbarashada ee labada wadan.

Waxaa sido kale Wasiirka iyo wafdiga la socda ay booqon doonaan qaar ka mid ah Jaamacadaha ugu waa weyn ee dalka Koonfur Afrika ee ku kala yaala magaalooyinka Cape Town, Johannesburg iyo magaalada Pretoria ee caasimada Dalka Koonfur Afrika.

Wasiirka ayaa sido kale kulamo la qaadan doona jaaliyada Soomaalida ee magaalooyinka Johannesburg iyo magaalada Cape Town.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com