Wasiirka waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb ka daahfuray imtixaanka mideysan ee fasalka siddeedaad

Wasiirka waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb ka daahfuray imtixaanka mideysan ee fasalka siddeedaad

Ardayda Fasalka 8aad ee Dugsiyada Dhexe ee Magaalada Dhusamareeb ayaa u Fariistay imtixaanka Shahaadiga ah oo loo qaadayo si Mideysay,waxaana Tirada u Fariisatay ay gaaraysaa 222 Arday.

Imtixaankan ayaa waxaa daahfuray Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug mudane Maxamed Xaashi Dhoore wuxuuna ardayda ku nool deegaannada Galmudug u rajeeyay in ay guuleystaan.

Tirada guud ee u Fariisatay Galista imtixaankan Dugsiga Dhexe ee Fasalka 8aad ayaa ah 2,561 Arday Dhamaan deegaannada Galmudug, waxa uuna ka dhacayaa 18 Goobood sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada maamulkaasi.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com