Wasiirka Warfaafinta oo Hadal Kasoo saaray wariye lagu dilay Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta oo Hadal Kasoo saaray wariye lagu dilay Muqdisho

Wasiirka warfaafinta ee dowladda faderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa cambaareeyey dilka wariye Maxamed Ibraahim Gaaboow oo katirsanaa telfishinka Kalsan, kaasi oo lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray isagoo ku sugan magaalada Muqdidho.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa Innaa ILLeyhu Raajicuun, waxaan u tacsiyadeynayaa qoyskii, bahda saxaafada iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu ka tagey marxuumka. Waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaanteena samir iyo IIMAAN EEBBE naga wada siiyo. AAMIIN”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa si kulul u cambaareeyey falka dilka loo geystay wariyaha oo uu yiri “Si kulul baan u cambaareynayaa falka dilka loo geystay wariye Maxamed Ibarahim Gabow, waana muuqataa dhammaan calaamadihii kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab oo caadeystay dilka wariyeyaasha. Marxuumka waxuu ahaa aqoonyahay Jaamicad ku soo bartay dalka Uganda, lahaana mustaqbal wanaagsan.”

Wariyeyaasha Soomaaliya ka howlgala ayaa inta badan la kulma dilal iyo hanjabaad uga timaadda dhinacyada isaga soo horjeeda siyaasadda dalka, wariyaha la dilay ayaa kusoo beegmaya xilli uu gabagabo marayo sanadka 2018ka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com