Wasiirka Tamarta iyo Biyaha ee Soomaaliya oo is-casilay

Wasiirkii tartamarta iyo biyaha ee Soomaaliya Cabdi Casaiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa maanta iska casilay xilka.

Shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa uu ku sheegay inuu fulinayo shuruudihii ay soo saareen guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed si’uu ugu tartamo doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed.

“Aniga oo ticraacaya shuruudihii ay soo saareen guddiga doorashooyinka koonfur Galbeed ee ahaa in qof xihaayo uusan tartami Karin ayaa sidaasi isku casilay,waxan u mahad celinayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xilkaan horay iigu dhiibay iyo dadkii aan isla soo Shaqeynay ayuu yiri Laftagareen.

Wasiirka iscasilay ayaa horay ugu tartamay guddoomiyaha baarlamaanka ee Soomaaliya oo uu kaga guulaystay Mursal Sheekh Cabdiraxmaan isagoona markaasi iska casilay wasiiru dowlaha ganacsiga, kadibna waxaa loo magacaabay wasiirka biyaha iyo tamarta ee Koonfur Galbeed.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com