Wasiirka Qorsheynta DFS oo Booqday degaano dhowr ah oo gobalka Sanaag katirsan (Sawiro)

Wasiirka Qorsheynta DFS oo Booqday degaano dhowr ah oo gobalka Sanaag katirsan (Sawiro)

Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Jamaal Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo malmahanm ku sugnaa Puntland ayaa Tagay degmooyin iyo tulooyin katirsan gobalka sanaag ee Puntland.

Waftiga wasiirka oo sii maray magaaladda Ceeldaahir ee gobolka bari iyo tuulooyinka teedsan wadada isku xirta Badhan iyo Bosaso, waxaa si ballaaran u soo dhaweeyay dadka degaanka iyo masuuliyiinta dowladda Puntland ee gobolka. Socdaalka waxaa wasiirka ku wehelinayay Wasiirada amniga iyo waxbarashada ee dowladda Puntland, xildhibaano ka tirsan barlamaanka federaalka iyo barlamaanka Puntland.

Wasiirku wuxuu booqday howladeenadda gacanta ku haya wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo, isagoo la kulmay guddiga gacanta ku haya mashruuca, waxayna uu guddiga ka dhagaystay halka uu marayo mashruuca wadada oo ay sheegeen ina la dhamaystiray 65km.

Wasiirku wuxuu kaloo la kulmay odoyaasha degaanka oo u gudbiyay baahiyaha ka jira degaanka sida biyaha, waxbarashada, Caafimaadka , dhismaha wadada iyo ilaalinta degaanka, wasiirku wuxuu sheegay inay tahay waajib saaran cidkasta inay ka qaybqaadato mashruuca wadada.

Hoos kadaawo Sawiradda

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com