Site icon Radio Daljir

Wasiirka Qorshaynta Dowladda Soomaaliya oo Garoowe uga qaybgalaya tartan xildhibaan

Wasiirka qorshaynta ee xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa soo gaaray Garoowe, isagoo u tartami doona kursi ka banaan golaha baarlamaanka ee Soomaaliya oo uu iska casilay xildhibaan katirsanaa baarlamaanka.

Wasiir Jamaal ayaa ka mid ah xubnaha wasiirada ee ugu firfircoon xukuumadda raysal wasaare Khayre.

Soo dhowayn ayaa loogu sameeyey Garoowe, iyadoo ay ka qaybgaleen dhalinyaro iyo cuqaal Puntland kasoo jeeda.

 

Exit mobile version