Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya oo ugu baaqay shacabka inay Canshuurta Bixiyaan

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya oo ugu baaqay shacabka inay Canshuurta  Bixiyaan

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa shir jaraa’id oo uu saaka ku qabtay Magaalada Muqdisho kaga hadlay canshuurta cusub ee dowladdu ku soo rogtay Hay’adaha ganacsiga gaar ahaan maqaayadaha iyo Hoteellada.

Muqdisho waxaa aad looga hadal hayaa canshuur lagu kordhiyay shaaha,Cabitaanka kale iyo Cuntada oo qofka waxa uu cunabaya saaranyihiin boqolley canshuur ah oo ay wasaaradda Maaliyadda qaadaneyso.

Tusaale Koobka shaaha ah ama Cabitaanka ah waxaa la socta lacagtiisa 5% oo u dhiganta $20 Sinti oo doollar,taas oo aad loo hadalhayo.

Wasiirka ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Dowladdu dadaal ugu jirto sidii looga cafin lahaa deymaha Caalamka ee gaaraya $5.3 Bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com