Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kormeeray Dekedda Muqdisho, (Sawiro)

Muqdisho Nov 24, Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta Mudane: Maxamuud Xasan Suleemaan ayaa maanta booqashiidii ugu horaysay intuu loo magaacabay xilka ku tagay Dakada Caalamiga ah ee Muqdisho isagoona u kuurgaliyey sida ay u shaqeeyaan laamaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Dakadu.

?
Dakada weyn ee Muqdisho oo ah isha uu dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo dowladda ayaa ?waxaa hada ka socda howlo baaxad leh iyadoona ay ?ku xiran yihiin Maraakiib waa weyn iyo Doomo sida badeecadooyin kala duwan, waxaa sidoo kale agagaarka dakada fadhiya maraakiib iyo doomo kor u dhaafaya shan iyo toban oo sugaya halkii ay kaga xiran lahaayeen Dakada.
?
Ugu horayntii Agaasimaha Waaxda Furdooyinka Soomaaliya Mudane: Maxamed Xaaji Maxamuud ?Layloon? ?ayaa ka warbixiyey ?sida ay u shaqayso Dakada.
?
? Dakada waxay hada maraysaa xiligii ay ugu mashquulka badnayd waxaana ku xiran maraakiib iyo doonyo kala duwan, waxaana jira dhibaatooyin ku saabsan dhanka dajinta badeecooyinka maadaama ayasan ku imaanin konteenro waxay qaadataa mudo in laga dajiyo markabka, qalabka hada ka shaqeeya dakada oo loo isticmaalo wax dajinta waa mid kiro ah badankiisu, waxaa lagama maarmaan ah in la helo qalab casri ah oo daboola baahida ka jirta Dakada, waxaa sidoo kale ku howlanahay sidii is badal loo samayn lahaa qaabka loo qaado canshuuraadka? ayuu yiri mudane Layloon
Sidoo kale Maareeyaha dakada ayaa sheegay in alaabta dakada ka dagta aan lagu xarayn Bakhaarada ku yaal dakada waxaana sabab u ah iyadoo bakhaaradaas ay isticmaalaan Hay?adaha Qaramada miyoobay iyo Turkiga, wuxuu kale oo Mareeyuhu sheegay in ay jiraan ganacsato Soomaaliyeed oo raba inay badeecada ku keenaan konteenaro si taas u suurto gashana waa in adeegyada loo baahan yahay iyo qalabkii dajin laha konteenarada in lagu soo biiriyo Dakada.
Ugu danbaynti Wasiirka Maaliyada ayaa booqasho ku soo kala bixiye dhamaan qaybaha ay ka koobantahay Dakadu sida, Qaybta Maamulka Furdooyinka, Qaybta Bangiga, Xarunta Booliska, Bakhaarada iyo Qaabka ay u dagayaan Maraakiibtu.
?
Wuxuuna wasiirku kula hadlay saxaafada Dakada dhexdaada isagoona sheegay in Dowlada cusub ay hada iyo wixii ka danbeeya ay wax ka qabn doonto baahiyaha kala duwan oo ka jira Dakada, wuxuu sidoo kale sheegay in shaqaalaha ka shaqeeya maamulka dakada la siin doono tababaro si kor loogu qaado tayadooda shaqo.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)
?
\"\"\"\"
?
\"\"
\"\"
?
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com