Wasiirka maaliyadda Puntland oo lakulmay hogaanka canshuuraha berriga G Bari.

Wasiirka Wasaaradda Dowladda Puntland Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Airporka Boosaaso,Laanta Cashuuraha berriga iyo kantaroolka iyo furdada magaalada Boosaaso.

Mudane Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa shir la qaatay kormeerka kadib Maamulayaasha iyo Madaxa Ciidanka Torbataariyada ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Shirkan ayaa intii uu socday ,waxaa la isku dhaafsaday tallooyin iyo sida looga gudbayo caqabado yaryar dhanka shaqada ah ,sidoo kale waxaa la isla qaatay dardargelinta shaqada Shacabka Puntland ay u hayso Wasaaradu.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa shirka kadib la hadlay Warbaahinta ,isagoona uga warbixiyey arrimihii ugu muhiimsanaa ee laga wadahadlay.

Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa sheegay in shirkan la isku dhaafsaday tallooyin badan oo waxtar ah iyo qaabka ay u socoto shaqada Wasaaradda.

Wuxuu sheegay in arrimaha looga hadlay shirka ay kamid ah caqabada jira iyo sidii loo xalin lahaa,dardargelinta dakhliga ,culysyada jira,canshuuraha lala baxsado,dadaalada laga sameeyey iyo tallaabooyinka la qaaday iyo arrinta Bangiga adduunka.

Gabagabadii shirka uu la qaatay Mudane Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed Maamulayaasha iyo Madaxa Ciidanka Torbataariyada ayaa kusoo dhammaaday jawi wanaagsan iyadoona lagu ballamay in shaqada ay shacabka Puntland loo hayo la laba jibaaro.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com