Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeeray Waddo Laami ah oo isku xirta Xarumaha Dowladda (Sawiro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland C/qaadir Siciid Carshe Dhaqaaje ayaa kormeeray wado laami ah oo isku xiri doonta Wasaaradaha dawladda iyo Qaybaha kale ee Magaalada Garoowe oo ay shaqadeedu socoto

shaqadan oo si toos ah u bilaamatay ayaa waxaa socda dhigista Carada ayadoo ay ka hawal galayaan shaqale kala duwan oo aqoon durugsan uleh dhisida dhanka wadooyinka

C/qaadir Siciid Carshe Dhaqaaje Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay samaynta wadadan in ay fududayn doonto isusocdka shaqooyinka dawladda ee ka socda goobaha shaqada

inta badan Wasaaradaha dawladda Puntland ayaa ah kuwo ka hawal gala dhanka Buurta waxana wadadani ahayd mid ay gaadiidku dhibaatooyin kala duwan kala kulmi jiree adeeg sigeeda balse dhowaan laami la saari doono.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com