Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Duqa Garoowe oo dhagax dhigay Waddada Wasaaradaha Garoowe (Sawiro)

HomeWararka

Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Duqa Garoowe oo dhagax dhigay Waddada Wasaaradaha Garoowe (Sawiro)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe iyo duqa degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise(Goodir) ayaa maanta si wadajir ah

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo faahfaahin dheeri ah kabixiyeey Qaraxii Muqdisho
Dowladda Somaaliya oo Warsaxafadeed kaso saartay Shirkii Brussels
James Swan oo golaha ammaanka la wadaagay xaaladda amni iyo doorashada Soomaaliya 2020-2021-ka.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe iyo duqa degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise(Goodir) ayaa maanta si wadajir ah u dhagax-dhigay Wadada Wasaaradaha ee Garoowe.

Wadada Wasaaradaha ayaa ah mid isku xiraysa magaalada iyo halka ay ku yaalaan inta badan xarumaha dowladda ee dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Garoowe.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe oo dhagax-dhigay wadadan ayaa sheegay in ay farxad u tahay dhagax-dhiga wadadan oo muhiim ballaaran u leh reer Puntland,waxa uu sheegay in dhaqaalaha ku baxaya oo dhan 180 kun oo dollar ay bixinayso W/Maaliyadda Puntland taasina ay tahay mid isku tashi ah, wuxuuna ugu dambeyn bulshada ugu baaqay in cashuurta la bixiyo si kaabayaasha dhaqaalaha loo horumariyo.

Agaasime guud Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cali Jaamac Gaashaan(Cali Farxaan) ayaa sheegay in mashruuca dhismaha wadadan tartan furan loo gala ayna ku guuleysatay shirkad wadani ah.

..” Mashruucan dhismaha Wadadan ,wuxuu soo maray nidaamkii lagu bixin jiray qandaraasyada oo dhan,Idaacadaha la geliyay,telefishinada la geliyay,waa loo tartamay shirkad ba ku guuleysatay oo wadani ah,waxaana la wadaa in dhaqso u dhammaado haddii Alle yiraahdo..”ayuu yiri

Duqa magaalada Garoowe Xasan Maxamed Ciise (Goodir) ayaa isna dhankiisa sheegay in wadadan ay muhiim u tahay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe,ayna qurux kusoo kordhinayso caasimada.

..” Wadadan oo loo yaqaano Wadada Wasaaradaha waa mid kamid ah Waddooyinka ugu muhiimsan magaalo madaxda Puntland ee Garoowe,wadadan oo xiriirisa xafiisyada Wasaaradaha iyo magaalada,waxay u tahay bilic iyo iyadoo shaqooyinka u fududeynaysa dadka shaqo tagaya..”ayuu yiri

Eng-neerka dhismaha wadadan gacanta ku haya ayaa ka hadlay dhismaha wadadan iyo mudada ay ku dhameystirayaan.

…” Jidkani dherarkiisu waa 1400,balaciisuna yahay mitir,shan sinter-miter,waxaa raaci doona qeyb lagu lugeeyo,waxaana rajeynaynaa in aan kusoo gabagabayno inta bishan ka hartay haddii Alle yiraahdo,wadadan waa mid muhiim u ah mujtamaca reer Puntland oo dhan…”ayuu yiri

Wadada dhagax dhigeeda ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Madaxda W/Wasaaradda Maaliyadda,maamulka degmada Garoowe,shaqaale iyo mas’uuliyiin ka socotay shirkadda dhiseysa wadadan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: