Wasiirka Maaliyadda Jubaland oo ka jawaabay qoraalkii wasaaradda maaliyadda

Wasiirka Maaliyadda Jubaland oo ka jawaabay qoraalkii wasaaradda maaliyadda

Wasiirka maaliyadda ee Jubbaland Cabdirashiid Jiir Qaliinle oo ka jawaabaya qoraalka kasoo baxay wasaaradda maaliyadda ee dowladda faderaalka ayaa waxaa uu ku tilmaamay mid lagu carqaladaynayo shirarka usocda hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada.

Waxaa uu sheegay qoraalkan kii kahoreeyey in lagu soo beegay waqti uu socday shirkii magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose uga socday madaxda dowlad goboleedyada, kana lagu soo beegay xilli madaxda uu shir uga socdo Garoowe.

Wasiirka maaliyadda Jubaland ayaa beeniyay qoraalka kasoo baxay wasaaradda maaliyadda dowladda faderaalka ee lagu sheegay in todobaadyadii lasoo dhaafay wada shaqaynayeen wasaaradaha maaliyadda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Qoraalada kasoo baxaya dowladda faderaalka ayuu ku sheegay mid aan toos loogu soo dirin wasaaradaha maaliyadda ee lasoo geliyo baraha bulshada, taasina ay tahay mid muujinaysa heerka dowladnimo ee dalka inuu aad u liito.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com