Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shiddo oo booqasho ku tegey Hargeysa

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shiddo oo booqasho ku tegey Hargeysa

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shido iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Wafdiga uu horkacay Axmed Shiddo oo ay ka mid yihiin xubno ka socda xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa booqashadooda waxa ay la xiriirtaa sidii maamulka Somaliland loogaga dhaadhicin lahaa booqashada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ee magaalada Hargeysa.

Booqashadan aan hore loo sii shaacin ayaa timid maalin kadib markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo uusan iman karin magaalada Hargeysa.

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya ayaa kulamo la leh mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland illaa iyo haddana lama shaacin arrimihii ay ka wadahadleen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com