Wasiirka Maaliyadda DFS oo ka hadlay qaadista canshuuraha

Wasiirka Maaliyadda DFS oo ka hadlay qaadista canshuuraha

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtey in dhawaan si toos ah ay ula wareegeyso qaadista lacagaha ka soo xarooda Maamulka hawada oo ay horey gacanta ugu haysay Qaramada Midoobay.

Wasirka Maaliyada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo marti ku ahaa Barnaamijka kulanka todobaadka ee Warbaahint Dowladda ayaa ka hadlay guulaha Soomaaliya ay ka gaartay wada hadalada deymaha looga cafinayo ee kala dhaxeeya Hey’adda lacagta Aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (IMF) , kordhinta dakhliga iyo isla xisaabtanka.

Wasiir Beyle waxa uu sheegay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ay iska kaashanayaan sidii lacaga canshuurta ah ee laga qaado diyaaradaha mara hawada dalka oo in mudda ah ay soo maamulaysay Qaramada Midoobay loogu wareejin lahaa Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka ayaa la waydiiyay sida xal loogu heli karo caqabadaha Soomaalida dibada ku nool ku qabaan xiriirka bankiyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha.

“Maanta sida uu adduunku inoogu soo jeedo ayaa baanankanu u soo jeedaan, dhawaan waxaan heli doonaa Baanan yimaada halkan oo baanankeena wax la qabsada, oo Branches halkan ka furta oo lagu nasto oo lacagta xawila” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com