Wasiirka Maaliyadda Puntland: “Cod dheer baan ku leeyahay ganacsatadu canshuur ma bixiso!” (dhegayso)

Wasiirka Maaliyadda Puntland: “Cod dheer baan ku leeyahay ganacsatadu canshuur ma bixiso!” (dhegayso)

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdiqaadir Siciid Caarshe ayaa ganacsatada Puntland waxa uu ku dhaliilay in aysan bixin canshuurtii dowladda sidii looga baahnaa. Wasiirka ayaa waxa uu isbarbardhig uu ku sameeyay canshuurta laga qaado  magaalooyinka Muqdisho,  Berbera iyo Bossaso.

Waxaana uu sheegay in kiishka sokorta ah ee ka soo daga  dekeda Bosaaso Ganacsatada Puntland ay dowladdu ka  qaaado canshuur dhan 0.47 santi, halka Muqdisho uu ka yahay  kiishka sonkorta ah 3 doolar, Berberana uu ka yahay 2.5 santi, taas oo macnaheedu ay tahay in ganacsatada Puntland laga qaado canshuur aad uga hoosaysa mida laga qaado ganacsatada dhiggooda ah ee magaalooyinka kale.

Wasiirka ayaa shegay in canshuurta intaasi le’eg ee laga qaado ganacsatada Puntland ay dowladdu kaga shaqayso amniga, waxbarashada, mushaharaadka ciidamada iyo difaaca dalka.

Ganacsatada iyo shacabka ayuu ugu baaqay Wasiirku in ay cashuurta bixiyaan, si ay dowladdu u gudato waajibaadka saaran.

Hadalkan ayuu  wasiirku waxa uu ka sheegay  shir looga hadlaayay horumarinta Degmada Bosaaso oo shalay lagu qabtay hoolka dowladda Hoose  ee magaalada Bosaaso.

Hoos ka dhegayso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 6 years ago

    WAA IIDHEH C/WELI GAAS USOO DHIIBAY OO LAGU LUNSANAYO MIISAANIYADA INTA DOORASHADA KA HARSAN,
    OGOW MUSHAHARKAA LOO DIG & DAM LEEYAHAY IN DOORASHO LAGU GALO

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com