Wasiirka Kalluumeysiga oo Ankara kula kulmay Madax ka tirsan Turkiga

Wasiirka Kalluumeysiga oo Ankara kula kulmay Madax ka tirsan Turkiga

– Magaalda Ankara ee dalka Turkiga waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaaashi iyo Mas’uuliyiin kale, waxayna kulamo kaldaduwan ay la qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda aan walaalaha nahay ee dalka Turkiga.

Wasiirka oo uu wehlinayay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga danjire Jamac Cabdullahi Maxamed Caydiid, Senator Ilyas Cali Xasan iyo la Taliyaha Wasiirka ayaa la qaatay kulamo kala duwaan Wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Turkiga Mudane Nihat Zeybeci iyo madaxa hay’ada horumarinta Caalamiga ah Tika Dr Serdar Cam.

Wasiirka ayaa kala hadlay Wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Turkiga madane Nihat Zeybeci intii uu socday shirka sidii loo hormarin lahaa kalluumeysiga Soomaliya,maadaama dowladda Somaaliya ay baahiweyn u qabto ka faa’idaysiga kheyraadka dalka,Si dowladda Soomaliya iyo maamul Goboleedyada ay uga faa’idaystaan kheyraadka wadanka uu leeyahay, shaqo abuurna loogu sameeyo dhalinyarda shaqo la’aanta ah ee ku nool wadanka gudihiisa .

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaaashi iyo madaxa hay’ada horumarinta Caalamiga ah Tika Dr Serdar Cam ayaa ka wada hadlay intii uu shirka socday sidii ay TiKa uga caawin laheyd qalabka kalluumeysiga kalluumeysatada Soomaaliyeed, ugana hirgelin laheyd warshadaha kalluunka gudaha Dalka Soomaaliya,si ay bulshada Soomaaliyeed uga faa’idaystaan kheyraadka dalkooda.

Madaxa hay’ada TIKA Dr Serdar ayaa si diiran u soo dhaweeyay kulanka Wasiirka kuna tilmaamayy wax lagu farxo,ayna ka go’antahay sidii ay uga hirgelin lahaayeen mashaariicy farabadan gudaha dalka Soomaaliya uguna horeeyo kheyraadka dalka uu leeyahay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com