Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo guddoomiyay Shirka horumarinta Kaabayaasha Dhaqaale ee Dalka

HomeWararka

Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo guddoomiyay Shirka horumarinta Kaabayaasha Dhaqaale ee Dalka

Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa shir guddoomiyey shirka kaabayaasha D

Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo gaaray Dhuusamareeb
Xildhibaan hore Cabdibarre Jibriil: “Marxuum siyaasadeed inuu ahaa waan ogeyn RW Xamse,
Warka Fiidnimo, Cumar Lakiman, Daljir Cabudwaaq (dhegayso)

Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa shir guddoomiyey shirka kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka oo Sadexdii biloodba mar lagu qabto magaalada muqdisho.

Shirka ayaa waxaa looga Wada hadlay intii uu socday Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka, Dhegaysiga Warbixinada Wax yaabahii Qabsoomay & Sidii loo dardar galin lahaa Dhismaha Mashaariicda kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka ee qabyada ah.

Wasaarada Qorshaynta, Maalgashiga Iyo Horumarinta Dhaqalaha ayaa Soo bandhigtay warbixin heerka uu marayo Diyaarinta iyo Qorista QHQ9aad ee dalku uu yeelanayo 2020-2024.

Waxaa shirkan ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socotay hay’adaah kaladuwan ee Dowladda Soomaaliya,sida wasiiro,agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo madaxa kale oo caalami ah kuwaasi oo qeyb ka ah shirkan sedx bilood laha ah ee inta badan looga hadlo horumarinta mashaariicda Kaabayaasha Dhaqaalaha ee dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: