Wasiirka Howlah Guud DF “Waxaan iska casilay xilkayga maadaama faragalin lagu hayo Koonfur Galbeed”

Wasiirkii howlaha guud ee dowladda faderaalka Soomaaliya Cabdifitaax Ibraahim Geeseey ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay dowladda, waxa uu ku tilmaamay caburin, afduub iyo faragalin ay dowladda faderaalka ay ku hayso maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirkan ayaa sheegay inaanu marqaati kasii ahaan karin ku tumashada dastuurka Soomaaliya iyo shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya meel lagu dhibaateynayo.

Wasiir Geeseey oo horay mar usoo noqday guddoomiyaha gobolka Baay, haddana ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu jirin go’aan dowladda ay ku qaadatay in lasoo afduubo Muqtaar Roobow, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo isaguna kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa horay ugu eedeeyey dowladda faderaalka Soomaaliya inay faragalin ku hayso maamulka Koonfur Galbeed, isagoona dhanka kalle codsaday in lasiidaayo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horay uga mid ahaa madaxda Al-shabaab.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com