Wasiirka Haweenka Soomaaliya oo bogaadisey doorka haweenka laga siiyey golaha deegaanka Diinsoor

Wasiirka Haweenka Soomaaliya oo bogaadisey doorka haweenka laga siiyey  golaha deegaanka Diinsoor

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqa Yaasin Xaaji Yuusuf ayaa maanta booqasho ugu tagtay haweenka degmada Diinsoor kadib markii kala bar xubnaha golaha deegaanka ee degmada Diinsoor ay noqdeen haween.

Wasiir Deeqa Yaasin oo kulan la qaadatay maamulka Koofur Galbeed oo uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka ayaa sidoo kale la kulantay maamulka cusub ee degmada Diinsoor iyo odayaal dhaqameedyada si ay ugu kuur gasho xaaladaha ay ku sugan yihiin haweenka degmada Diinsoor.

“Xubnaha haweenka ee soo galay golaha deegaanka ee degmada Diinsoor ayaa waxaa ay tusaale dhab ah u yihiin in haweenka Soomaaliyeed ay door la taaban karo ka qaadan karaan dib u dhiska, nabadeynta iyo hogaanka dalka qeybahiisa kale duwan” ayay tiri Wasiir Deeqa Yaasin mar ay la hadleysay haweenka degmada Diinsoor.

“Reer Diinsoor iyo maamulka Koofur Galbeed waxay maanta hormuud u noqdeen Soomaaliya oo dhan ayaga oo xaqiijiyay doorka aan la inkiri karin ee ay haweenku ku leeyihiin bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda. Waxaan ku faraxsanahay in sida uu dhigayay cahdiga haweenka Soomaaliyeed ee la meel mariyay Maarso 2019 in maanta kala bar xubnaha golaha deegaanka Diinsoor ay yihiin haween” ayay hoosta ka xariiqday Marwo Deeqa Yaasin.

Wasiir Deeqa ayaa waxaa ay intaas ku dartay “halkaan waxaan u nimid in aan taageero iyo hiilo u muujino maamulka degmada Diinsoor gaar ahaan haweenka xubnahna ka ah golaha deegaanka oo u baahan in la dhiira geliyo, lagana taageero dhinacyo badan si tilaabada ay ku tilaabsadeen loo xoojiyo”.

Haweenka degmada Diinsoor ayaa u gudbiyay Marwo Deeqa Yaasin cabashooyin dhowr ah iyo baahiyo iyaga gaar u ah oo loo baahan in dowladda federaalka Soomaaliya ay si deg deg ah wax uga qabato.

Waa markii ugu horey in maamul laga dhiso dalka Soomaaliya ay kala bar xubnahna golaha deegaanka ay noqdaan dumar taasoo si weyn usoo jiidatay haweenka Soomaaliyeed iyo dowladda Federalka Soomaaliya.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com