Wasiirka Ganacsiga Somalia oo kulamo ka wada dalka Baxreyn

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo wefdigii uu hoggaaminayey ee socdaalka shaqo ku joogay wadanka Baxreyn, ayaa wuxu booqday rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee dalkaasi.

Wasiirka oo booqashadiisa ay ku wehelinayeen madax ka socotay Wasaaradda iyo Ganacsato Soomaaliyeed, ayaa halkaas kula kulmay maamulka rugta Ganacsiga wadanka Baxreyn oo uu u soo bandhigay fursadaha Maal-gashi ee ka jira dalka isla mar ahaantaana ay Maal-gashan karaan Soomaaliya, sidoo kale na, wuxu Ganacsatada Soomaaliya iyo Baxreyn ku dhiiri-geliyey inay sameystaan xidhiidh Ganacsi oo ku saleysan wax-is-dhaafsi.

Intaas kadib, wasiirka iyo waftigiisa, ayaa waxay safarkooda ku soo gebo-gabeeyeen booqasho ay ku tageen Madxafka Qaranka Bahrain oo ah meel lagu keydiyo taariikhda iyo dhaqanka soo jireenka ah ee uu dalkaasi lee yahay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com