Wasiirka Ganacsiga oo Beijing kula kulmay Madax ka tirsan Dawladda China

Wasiirka Ganacsiga oo Beijing kula kulmay Madax ka tirsan Dawladda China

Shir u dhexeeya dowladaha Afrika iyo Shiinaha oo ku saabsan iskaashi iyo wax wada qabsi ayaa ka socda dalkaasi Shiinaah caasimadiisa,iyadoo ay ka qeybgalayaan wafuud kaladuwan.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shirkaasi u matalaya Soomaaliya,kaasi oo la filayo in ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah,shirkan oo loogu magic daray Second Belt and Road Forums ee ka dhacaya Magaaladda Beijing ee dalka China.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa la kulmay Wasiiro farabadan oo isugu jira kuwa dalka shirka martigeliyey ee China iyo kuwa Ganacsiga iyo Warshadaha ee shirka ka qaybgelaya oo kala hadlay Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya.

Dowladda Shiinaah ayaa kamid ah wadamada galaangalka ku leh arrimaha Soomaaliya,gaar ahaan horumarinta mashaariicda iyo ganacsiga,iyadoo tani ay dhiirogelinayso in uu sii xoogeysto xiriirka labada dhinac.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com