Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya oo la kulmay Wafdi Kasocda Masar

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya oo la kulmay Wafdi Kasocda Masar

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Masar,Bankiga dhexe ee Masar,Bakiga Horumarinta iyo Ganacsato ka soo jeeda dalkaasi.

Wasiir Maareeye iyo Wafdiga ka socda Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Masar ayaa ka wada hadlay Arrimaha Maalgashiga,Xiriirka Labada dal,sidii ganacsatada Soomaaliyeed suuq loogu heli lahaa dalka Masar oo ay u iib-geeyaan Allaabadooda,kullanka kan xiga oo ka dhici doona Masar oo Heshiisyo labada Wasaaradood ay ku kala saxiixan doonaan iyo Arrimo kale oo muhiim ah.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir maareeyee iyo Qunsulka safaarada Masar ee Soomaaliya Tamer Safwat El.mahdy oo kullanka ka dib si wadajir ula hadlay Warbaahinta ayaa muhiimadda kullankan ku tilmaamay mid kor loogu qaadayo xiriirka Labada dalka,islamarkaana lagu xoojinayo xiriirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Masar.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com