Wasiirka Gaashandhiga Jabuuti oo Muqdisho gaaray

Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti Cali Xasan Bahdoon iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wafdiggaan ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano, Saraakiil Ciidan, Koox fanaaniin ah waxa ay u yimaadeen in ay ka qeyb galaan Xafladda 1 July oo lagu waddo in Caawa Magaalada Muqdisho lagu qabto.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Xubnaha Wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ay kulamo kula qaadan doonaan Madaxda Qaranka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com