Wasiirka Gaashandhiga Cusub ee DFS oo Maanta Xilka la wareegay (dhegayso/Sawiro)

Wasiirka Gaashandhiga Cusub ee DFS oo Maanta Xilka la wareegay (dhegayso/Sawiro)

Waxaa Maanta si rasmi ah Xilka ula wareegey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashandhigga Mudane Xasan Cali oo dhawaan uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kadib Munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, waxaana goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka iyo Xubno ka tirsan Guddiga Difaaca Golaha Shacabka iyo Saraakiil Ciidan.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal C/llaah Cali (Caanood) oo ugu horeyn ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhhiga.

Mudane Maxamuud Cali Xagaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka ku Wareejiyay Wasiirka difaaca ayaa Warbixin guud ka siiyay Wasiirka Cusub Howlaha ka socda Wasaaradda.

Wasiirka Gaashandhigga Mudane Xasan Cali ayaa uga mahaceliyay Waxyaabihii ay qabteen Wasiiradii ka horeeyay, isagoona balaa qaaday in Howsha uu halkeeda ka sii wadi doono.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com