Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada oo su’aalo laga waydiinayo dilalka ciidamada dowladda ee shacabka

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada oo su’aalo laga waydiinayo dilalka ciidamada dowladda ee shacabka

Guddiga difaaca ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa oo Khamiis ah u yeeray wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada militariga inay horyimaadaan golaha , si su’aalo looga waydiiyo dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dilal ee magaalada Muqdisho oo ay gaysteen ciidmaada dowladda.

Gabar sagaal sano jir ah ayaa todobaadkii hore lagu toogtay Muqdisho, kadib markii askari katirsan dowladda oo uu rasaas ku furay gaadiid kalle, xilli ay ka yimaadeen iskuulka ay wax ku baranayeen.

Saadiq Warfaa oo ka mid ah guddiga difaaca ee baarlamaanka ayaa sheegay inay madaxda dowladda lagula xisaabtami doono dilalka ay ciidamada gaysanayaan.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com