Wasiirka Gaashaandhigga ee Somalilad oo laga hortagay inuu tago Badhan, Sanaag

Wasiirka Gaashaandhigga ee Somalilad oo laga hortagay inuu tago Badhan, Sanaag

Wasiirka Gaashaandhigga ee Somliland Ciise Axmed Yuusuf (Ciise Xawar) ayaa loo diiday inuu tago degmada Badhan ee gobolka Sanaag oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo.

Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa ku sugnaa maalmahan deeganka Hadaafitimo ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay kulamo kula lahaayeen dadka deegaanka.

Wasiirka ayaa isku dayay inuu u gudbo magaalada Badhan oo uu galo , waxaana arrintaasi kahoryimid ciidamada daraawishta Puntland ee gobolka Sanaag.

Odayaasha deegaanka iyo wafdigiisa ayaa leh kulamo kusaabsan sidii wasiirka uu u tagi degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli ay sii kordhayso xiisadda ka dhaxeeysa maamulada Puntland iyo Somaliland ee ku saabsan gobolada Sool iyo Sanaag, iyadoo dagaal todobaadkii hore kadhacay deegaanka Tukaraq ay ku geeriyoodeen 70- askari oo katirsan labada dhinac ee dagaalamay.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NUURKANEDERLAND 6 years ago

    FIIRO GAARA:-
    ISIS=ISRAËL SECRET INTELLIGENCE SERVICE
    IS ISIS GOOD FOR THE JEWS.
    MOSSAD FINGERPRINTS ON PARIS ATTACK.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com