Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo sheegay inay qabanayaan dad si sharci daro ah u xirta lebiska ciidanka

Moqdiho, May, 09, 2013 – Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay inay la dagaallami doonaan shakhsiyaadka xirta dharka ciidanka ee gala fal-dambiyeedyada, isla markaana dhibaatooyinka u geysta dadka rayidka ah.

Wasiirka oo wareysi siiyay laanta af-Soomaaliga ee VOA ayaa ballan-qaaday in dagaalka ay kula jiraan maleeshiyada Al-Shabaab mid la mid ah ay la geli doonaan shakhsiyaadkaas, maadaama ay halis ku yihiin sumcadda ciidanka.

Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa xusay inay baarayaan dhacdo laga soo wariyay magaalada Baydhabo oo ahayd in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay kufsi u geysteen haweenay xaamilo ahayd.

Dhowaan ayaa ciidamo gaaraya 300 oo askari oo gadood sameeyay waxay gudaha u galeen magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ka geysteen falal dhac iyo kufsi isugu jiray.

Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’

Radio Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com