Wasiirka Difaaca DFS oo La kulmay Wafdi kasocda Maraykanka (Sawiro)

HomeWararka

Wasiirka Difaaca DFS oo La kulmay Wafdi kasocda Maraykanka (Sawiro)

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa xafiiskiisa kula kulmay saraakiil ka socota ho

XAALADA KALUUMAYSATADA XEEBTA GARACAD
Ra’iisul Wasaare Khayre oo u Kuurgalay Howlaha Dekedda Muqdisho
Madaxweynihii hore Puntland Cabdiweli Gaas &hadal jeedinta Munaasabada Ciida (Daawo)

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa xafiiskiisa kula kulmay saraakiil ka socota howlaglka Mareykanka ee Soomaaliya, Midowga Yurub iyo saraakiisha xeradda tabbabarada TURKISOM ee lagu tabbabaro ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Kulanka, ayaa waxaa looga hadlay dardar gelinta tayaynta iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo u diyaar garowga ka bixitaanka ciidanka AMISOM, kaas oo loogu magac daray qorshaha kala guurka.

Xasan Maxamed (Amar-dambe) Wasiirka Gaashaandhigga dalka ayaa sheegay in kulanka sidoo kale looga wada hadlay qorshaha wada shaqeyneyd ee arrintaas ku aadan oo ay wada yeelanayaan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo wadamada iyo hey’adaha caawiya dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Kulanka, oo qaatay saacado badan, ayaa labada dhinac waxaa ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in qorshaha dib u dhiska ciidanka xoogga dalka ee Wasaaradda Gaashaandhigga ay hormuud ka tahay loo baahan yahayin si wadajir ah looga wada shaqeeyo.

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa tan iyo markii xilkaas loo magacaabay waxaa uu xil weyn iska saaray siddii looga miro dhalin lahaa qorshaha dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, isaggoo kulamo iska daba joog ah oo arrintaas ku aadan la yeelanaya dhammaan dhinacyada howshaas ay khuseyso

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: