Wasiirka Dastuurka “waxaa naga go’an dhameystirka Dastuurka

Wasiirka Dastuurka “waxaa naga go’an dhameystirka Dastuurka

Wasiirka wasaaradda arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku dhawaaqay in sedaxda hay’adood oo kala ah, Wasaaradda,Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka, Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ay ka go’antahay dhameystiro dastuurka.

Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo muqdisho ku daah furay Banbax-howleedka ayaa yiri: “waxaa naga go’an hadaanu nahay seddexdan hay’ad in howlaha dastuurka aysan iska noqon arrimo iska furan oo ah mashruuc la iska quuto, waxaan dooneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu macquulsan loo dhameystiro dastuurka”.
Waxa uu wasiirka uu tilmaamay in kulankan furmaydiiradda lagu saari doonno sidii arrimaha Dastuurka iyo dhameystirkiisa.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr , waxa uu sheegay in kulankan uu muhiim u yahay seddexda hay’ad maadaama waqtigii loo qabtay dhameeystirka dastuurka uu gebo-gebo marayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com