Wasiirka cusub ee warfaafinta Puntland oo helay codka Kalsoonida ee Baarlamanka (Dhegeyso)

Garoowe, July 28, 2013 – Wasiirka cusub ee wasaarada warfaafinta ee Puntland Axmed Sheikh Jaamac ayaa maanta helay kalsoonida Baarlamanka Dowladda Puntland, kadib markii dhowaan xilkaasi magcaabay.

Fadhigii Baarlamanka ee maanta ayaa xasaanada lagu siiyey wasiirka war-faafinta ee Puntland, 34 mudane oo joogay golaha baarlamanka ee maanta ayaa si rasmi ah u siiyey codka wasiirka.

Axmed Sheikh Jaamac ayaa meel-marintiisa kadib wuxuu la hadlay Baarlamanka isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida loo siiyey codka xasaanada ah, wuxuunta intaas ku daray in uu shaqo wanaagsan muujin doono.

Wasiirka cusub ee wasaarada warfaafinta ee Puntland Axmed Sheikh Jaamac ayaa xilkaasi waxaa u magcaabay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole, waxaana wasiirka lagu bedelay wasiirkii hore Maxamuud Caydiid Diriri oo isna laga dhigay wasiirka qorsheynta ee Puntland.

Wasiirka cusub Abwaan Axmed Sheikh Jaamac ka hor xilkaan wuxuu ahaa Agaasimihii Hidaha iyo dhaqanka ee ?wasaarada warfaafinta ee Puntland.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Hadalka wasiirka warfaafinta ee Puntland Axmed Sheikh Jaamac

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com