Wasiirka Caddaalada DFS: “Waxaa lasoo qabtay askartii ka dambeysay dilalkii ka dhacay Muqdisho”

Wasiirka Caddaalada DFS: “Waxaa lasoo qabtay askartii ka dambeysay dilalkii ka dhacay Muqdisho”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu soo dhigay Eedeyanayaashii ka dambeeyay dilkii xalay Magaalada Muqdisho loogu geystay Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowdo Maxamuud Xuseen.

Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay gacanta kusoo dhigeen, islamarkaana maalmaha soo socda Caddaaladda la marsiin doono Kooxdaasi.

Waxaa uu sheegay in ciidanka Ammaanka ay soo qabteen Ciidankii ka dambeeyay dhaawac galabta Muqdisho loogu geystay Mahad Cabdiraxmaan oo rasaas ay fureen ciidanka dowladda ku dhaawacmay.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigey dadkii lagu tuhunsanaa iney geeysteen dilkii walaalaheena Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowdo Maxamuud Xuseen,Sidoo kale waxaa gacanta lagu soo dhigey qofkii dhibka u geystey walaalkeena”ayuu yiri Wasiirka Caddaaladda.

Dhanka Booliska waxay sheegeen in ay gacanta ku hayaan Eedaysaneyaasha oo kala ah Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan ayna hadda ku jira gacanta Dowladda, iyada oo la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com