Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay Safar uu u tagay dalka Maraykanka (dhegayso)

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay Safar uu u tagay dalka Maraykanka (dhegayso)

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland Saalax Xabiib Xaaji
Jaamac oo safaro ku tagay dalalka Mareykanka,Turkiga, Kenya iyo Masar
ayaa si adag ugu hadlay muranka ka taagan qiimaha qaaliga ee shacabka
Soomaalidu ku tagaan Xajka.

Wasiir Xabiib ayaa ugu baaqay Xukuumadda Soomaaliya inay wax ka qabato
cabasho xoogan oo ka jirta qiimaha Soomaalidu sanadkii ku aadan
gudashada waajibaadka xajka.
Wuxuuna ku eedeeyay arrintaas shirkadda Jubba Airways inay sabab u
tahay sarre u kaca qiimaha xajka oo qofkiiba laga qaato lacag gaareysa
$ 4,000 ( Afar kun oo dollar).

Wuxuu sheegay Wasiirka Cadaaladda Puntland 15 bishan 2018 in Madaxda
Dowladda Federalka Soomaaliya saxiixi doonaan qoondada Dowladda
Sucuudigu ka siisay tirada dadka Soomaalida ee u socdaalaya xajka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com