Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka qayb galaya Shir Caafimaadka Caalamka looga Hadlayo

Axad, May 17, 2015 (Daljir) — Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Dr.Saadiq Eenow ayaa ka qayb galaya shir caalami ah oo caafimaadka looga hadlayo, kaasoo ka qabsoomaya Geneva.

Wasiir Eenow ayaa ka dhoofay magalada Garowe si uu shirkaasi oo sanadkiiba hal mar qaban qaabiso Hay’adda caalamka caalamak (WHO) uga qayb galo. waxana lagu wadaa inn kasoo jeediyo shirka inta uu socda khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ka hadlaysa caafimaadka Puntland, horumarka ay ka gaareen la-dagalanka cuduardda iyo baahinta addeegyadda caafimaadka iyo caqabadaha jira ee u baahan in laga caawiyo.

Inta uu ku suganyahay Geneva waxaa uu madaxda caalamka kala hadli doona in ay gacan ka gaystaan horumarinta caafimaadka Puntland.

Docda kale wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha guud ee wasaradda Caafimaadka Puntland ayaa safar shaqo u jooga dalka Zambia, halkaasoo uu kulamo kala duwan kula sameeyay madaxda caafimaadka ee dalkaasi.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com