Site icon Radio Daljir

Wasiirka Caafimaadka oo ka hadashay xariga Agaasime Waaxda Maaliyadda

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar ayaa ka hadashay xarigii Agaasimihii Waaxda Maaliyadda Wasaaradda oo habeen ka hor ay Ciidamada Booliska ka xireen Hoygiisa oo ku yaalla Muqdisho.

Wasiir Fowsiyo oo maanta wariyeyaasha kula hadleysay Muqdisho ayaa sheegtay in aan lala soo wadaagin xariga Agaasimaha.

“Agaasimaha Waaxda Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Maxamed Buulle waxaa la xiray 4-tii bishan, Wasaaradda lalama soo wadaagin sababta loo xiray waxaana socda baaritaan”ayay tiri Wasiirada.

Sidoo kale Wasiirada ayaa sheegtay in arrintan ay kala shaqeynayaan Xeer Ilaalinta Qaranka iyo Hanti dhowrka Guud, ayna diyaar u yihiin baaritaan waafi ah oo Wasaaradda ah.

Habeen hore ayay aheyd markii Ciidamada Booliska ay xireen Agaasimaha Waaxda Maaliyadda ee Wasaaradda Mr Buule, iyadoo loo heysto arrimo la xiriira musuq maasuq, waxaana la sheegayaa in Mas’uuliyiin kale baaritaan ku socoto oo ku aadan ku lug lahaanshaha musuqaas ku soo baxay Wasaaradda.

Diwaanka Wararka
Radio Daljir

Exit mobile version