Wasiirka Batroolka oo ka hadlay faa’iidooyinka Sharciga Batroolka dalka

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed oo ka qeyb-galay Barnaamijka kulanka Toddobaadka ee ka baxa Warbaahinta Dowladda ayaa sharraxaad ka bixiyey faa’iidooyinka uu dalka u leeyahay sharciga Batrooka ee uu dhowaan golaha shacabka Ansixiyey, waxa uuna hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay shidaal soo saarto ay uga dhigan tahay Horumar dhaqaale iyo isku filaansho looga baxo dhibaatada hadda jirta.

Wasiirka Batroolka ayaa soo hadal qaaday in marka howlaha sharciga Batroolka ka harsan la dhammeeyo ay billaaban doonaan Heshiisyada lagu maalgashanayo soo saarista shidaalka, sharcigana uu ku saleysan yahay danaha Soomaalida.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa bulshada Soomaaliyeed u shegay in ay la gudboontahay in dowladda Soomaaliya ay ku taageeraan qorshaha Dalka lagu gaarsiinayo in laga soo saaro shidaal iyo macdan.

Ansixinta Sharciga Batroolka waxaa ka horreeyey heshiis siyaasadeed ay wadajir u wada gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah bishii June sannadkii 2018-ka sidoo kale sharciga ayaa soo maray marxalado kala duwan tan iyo sannadkii 2008-dii, waana sharci ku xiran in Soomaaliya ay gaarto barwaaqo haddii ay bulshada Soomaaliyeed fahmaan faa’idooyinkiisa wanaagsan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com