Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS oo matabaan lagu wareeray

HomeWararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS oo matabaan lagu wareeray

Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kolonyo uu la socday wasiirka arrimaha gudaha dowlada federalka lagu rasaasee

Maamulka Hirshabeelle oo DF ka codsaday ka qeyb qaadashada xal u helida colaadda ka taagan Shabeelaha dhexe
Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Addis Ababa (Sawiro)
Gobolka Bari: Shacabka oo looga digay Roobab dabaylo wata oo kusoo wajahan Xeebaha Puntland

Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kolonyo uu la socday wasiirka arrimaha gudaha dowlada federalka lagu rasaaseeyay duleedka degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu dhex maray Ciidamada galbinayay Wasiir Sabriye iyo maleeshiyo hubeysan, waxaana ugu dambeyn degmada Matabaan laga saaray maleeshiyaadki hubeysnaa.

Wararka ayaa sheegaya in aysan waxyeelo ka soo gaarin wasiirka arrimaha gudaha Sabriye weerarka lagu qaaday kolonyadii uu la socday.

Hase yeeshee guud ahaan magaalada Matabaan ayaa waxaa la wareegay ciidamada dowlada federalka iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen degmadaas ciidamo daacad u ah ururka Ahlu Sunna.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: