Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo booqday Hey’adda Iskaashatada dhismaha ee Shiinaha.+Sawirro

HomeWararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo booqday Hey’adda Iskaashatada dhismaha ee Shiinaha.+Sawirro

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shalay booqday Hey’adda Iskaashat

Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Muqdisho (dhegayso)
Madasha Badbaado Qaran oo warqad Furan u qoray Beesha Caalamka (Akhriso)
Gurmadkii ugu horeyeey oo la gaarsiyeey Shacabka degmadda Xaafuun (Daawo)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shalay booqday Hey’adda Iskaashatada dhismaha ee Shiinaha, waxaana ku soo dhoweeyay Guddoomiye kuxigeenka hey’addaasi Mudane Lu Jing.

 

Wasiir Axmed Cawad, oo ka qeybgalay shirka sideedaad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ayaa isku dayaya soo celinta wax wadaagga Soomaaliya iyo Shiinaha dhinacyada beeraha, waraabka, dab ka dhalinta biyaha webiga iyo mashaariicda horumarineed ee kale ee dib u dhisidda Tiyaatarka Qaranka, Isbitaalka Banaadir iyo wadada isku xirta gobollada koonfureed iyo kuwa waqooyi.

Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha waa dowlad saaxiib la ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xiriirka u dhexeeya labada shacab wuxuu soo taxnaa muddo ka badan 600 sano.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: